Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Musa Yusuf Osman (IDIGAA) ayaa maanta la kulmay maddaxa mashruuca INSTITUTIONAL SUPPORT FOR ECONOMIC GOVERNANCE PROJECT (ISEGP)
ee uu maal galiyo Bankiga Africa Mudane Hassan Farah Mohamed.
Dhiniciisa waxa halkaa ka hadlay maddaxa Mashruuca (ISEGP) kaas oo ku dheeraday qaabka iyo waxyaabaha lagaga faaidaysan karo ee mashruuca ku jira.
Dhinaca kale Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Musa Yusuf Osman (IDIGAA) ayaa maanta sido kale la kulmay la taliyaha xafiiska ee dhinaca baadhisiaha Mr David Wakanene kaas oo xafiisku dhawaan la galay heshiis uu xafiiska kaga caawin doono dhinaca baadhisaha casriga ah ee la jaanqaadaya sharuucda dalka iyo habraacyadda caalamiga ah ee khuseeya dhinaca baadhisaha.